MASAR OO KU DHAWAAQDAY INEY JOOJISAY WADA HADALADII ITOOBIYA.
(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA ISKAASHIGA GACANKA(GCC).
(RIYAD-KSA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyad ayaa sheegaayo in halkaasi uu socdo shir ey leeyihii Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka ku bahoobay Iskaashiga Khaliijka,waxaane shirkaasi goobjoog ka ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda Wadamadda Urdun,Masar iyo Marooko. Dalka Masar ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay inuu joojiyey ka qeybgalka wada xaajoodka biyo xireenka dalka Itoobiya,Masar ayaa sababta ku sheegtay Madax adeyg ka jira dhinaca dawladda Itoobiya iyo guul darooyinka xal u helidda. Wasiirka Arrimha Dibadda dalka Masar Saamex Shukri oo ka qeybgelaayey shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Khaliijka ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu fiiro gaar ah siiyo danihiisa isla markaasne uusan tixgelin mabaadiid’ida ugu yar ee wanaaga,derisnimo,isagoo intaa ku daray in tani tahay mida dalkiisa ku kaliftay inuu qaato go’aanka ah inuu joojiyo ka qeybgalka colaada,wada xaajoodyada aan wax natiijo ah eysan ka dhalaneyn inta Itoobiya ey sii wado habka ey hadda waddo. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar Danjire Abu Zeyd ayaa daboolka ka qaaday in Wasiir Shukri wada hadaladii uu la yeeshay dhigiisa Wadamadda Khaliijka ey ka wada hadleen khatarta ku wajahan amaanka Marinka Badda Cas iyo xaaladaha ka taagan dalalka Liibiya,Suudaan,Suriya iyo Soomaaliya.
ISHA/ARAB NEWS.