MASAR OO BERRI FURI DOONTA RAFAX.
(SAWIRKA)-ISGOYSKA RAFAX.
(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo ciidamadda difaac Isra’iil iyo Xarakada Xamaas ayaa galay maalintiisii afar iyo labaatanaad,dagaalkan ayaa soo bilawday 7/10/23-ki waxa uuna hadda si xoogan ugu fiday qeyba kale oo ka tirsan dhulka reer Falastiin ey Isra’iil haysato,dawladaha reer Galbeedka iyo qaar ka mid ah wadamadda Carabta ayaa waxa ey ka caga jiidayaan iney qaataan mawqif aad u adag kuna aadan dagaalka Gaza. Sida laga soo xigtay Tv-ga ey iska leedahay dawladda Masar ee AL_Qahira maanta oo Talaada ah(31/10/23)-ka xukuumadda Masar ayaa maalinta berri ah oo Arbaca ah waxa ey furi doontaa xuduudka u dhexeeyo Gaza iyo Masar loona yaqaano Rafax si halkaasi looga soo qaado dad fara badan oo reer Falastiin ah kuna soo dhaawacmay weerarada cirka ey gaystaan diyaardaha Isra’iil. Sida uu sheegay TV-ga dawladda Masar ee AL-Qahira Rafax waxa ey ku diyaarisay isbitaalo ku meel gaar ah kuwaaso tiradooda ey gaareyso ilaa 81-isbitaal.
ISHA/ARAB.