SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MASAR OO ARDAYDA U DIIDAY INEY XIRTAAN NIQAABKA.

(SAWIRKA)-NIQAABKA OO LAGA JOOJIYEY DALKA MASAR.

(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo dalka Masar ayaa sheegaayo in xukuumadda Masar ey ku dhawaaqday iney mamnuucday xirashada Fool-Shareer(Niqaab) in loo qaato dugsiyadda dalka Masar oo dhan marka laga bilaabo teeramka soo socdo kaaso bilaaban doono 30/9/23-ka. Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Rida’a Xigaazi ayaa arrinkaas ku dhawaaqay shalay oo Isniin ahayd(11/9/23)-ka waxa uuna intaas raaciyey Wasiir Xigaazi in ardaydu xaq u leedahay iney iyagu kala doortaan iney xirtaan iyo iney iska dhaafaan Masarka la saarto Madaxa,waxaase waajib ah ayuu yiri Wasiir Xigaazi ineysan daboolin wjigooda,sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in waalidiinta dhashay caruurta dhigata dugsiyada dalka Masar iney ogaadaan waxa ey caruurtooda u doorayaan iyo iney waajib ku tahay waaldiinta iney ogaadaan iney u madax banaan yihiin ayagoo uusan cadaadis meel kale uga imaan.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.