MASAR: HOGAAMIYEYAASHA LIIBIYA OO KU….
BAARLAMAANKA LIIBIYA.
(LIBYA)-Madax golaha sare(Aqalka Sare) ee dalka Liibiya ee fadhigiisu yahay caasimadda Tripoli Khaalid Al-Mishri ayaa maanta oo khamiis ah sheegay in lagu casuumay inuu la kulmo afhayenka baarlamaanka(Aqalka Hoose) Liibiya Caqiil Saalax Ciise gudaha dalka Masar,war uu soo saaray Al-Mishri ayuu ku sheegay inuu casuumad ka helay la taliyaha gaarka ah e xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dalkaasi Liibiya haweeneyda la yiraahdo Stephenie Williams taaso u sheegtay in la rabo in laga hadlo isku hor imaadyadii dalka Liibiya ka dhacay kuwaso salka ku haayey siyaasadda iyo dastuurka dalkaasi Liibiya,golaha sare ee dalka Liibiya ayaa ah aqalka sare halka golaha baarlamaanka ee fadhigiisu yahay Sirta uu yahay golahii shacabka ee dalkaasi Liibiya.
ISHA WARKA AA.