MASAR: DUMAR LOO KORDHIYEY XABSIGA.
(SAWIRKA) MAXAABIISTA DALKA MASAR.
(QAHIRA)-Hayadaha Amniga iyo kuwa Garsoorka dalka Masar ayaa shalay oo Axad ahayd(10/9/23)-ka waxa ey cusboneysiiyeen mudada xabsiga lagu sii haaynayo dumar kale gedisan kuwaaso kuwada edeysan iney si wadajir ah u kaalmeyeen Argagixisada,waxaane dumarkaan xabsiga lagu sii haayn doonaa muddo dhan shan iyo toban maalmood oo kale. Dumarkaan maxaabiista ah ayaan la shaacin kuwa ey yihiin intooda badan,waxa eyna dumarkaan bilo ka sameeyen/abuureen koox la magac baxday “Kooxdii Kushiinka”,dumarkaan si iskood ah waxa ey isugu xilqaameen iney cunto u kariyaan una geeyaan dadka u xiran Siyaasadda iyo kuwa caanka ka ah baraha bulshada,sidaas waxaa laga soo xigtay Wargayska The New Arab kana soo baxa dalka Ingiriiska caasimadiisa ee London.
ISHA/ARAB.