MARKAB DAGAAL OO SOO RIDAY DRONES BADDA CAS.
(SAWIRKA)MARKABKA CIAO DUILIO.
(ROME)-Wararka ka imanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegaayo in Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga uu Badda Cas ku soo riday laba diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano Drones-ka,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay Wasiirka Arrimha Dibadda dalka Talyaaniga Antonio Tajani. Dooni Torpedo oo uu Talyaaniga leeyahay laguna magacaabo CAIO DUILIO oo ah mid wax burburisa ayaa soo riday labada diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn,hawshaan ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Yurub ee la magac baxay ASPIDES kaaso dhawaan laga bilaabay Badda Cas,hawgalkaan ayey ujeedadiisu tahay in Maraakiibta Ganacsi ee maraayo biyaha Badda cas laga ilaaliyo weerarada kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Talyaaniga Antonio Tajani qoraal uu soo dhigay bartiisa (X) ayuu ugu hambalyeeyey ciidamadda badda ee dalka talyaaniga waxa uuna yiriā€¯Hamablyo shaqaalaha Markabka Caio Duilio. Ciidamadda badda ee dalka Talyaaniga waxay damaanad qaadeen xuriyadda socodka waxayna ilaaliyeen Maraakiinteyna ganacsiga. Waan ku hanweynahay badmaaxiinteynaā€¯. Dalka Talyaaniga ayaa leh hogaanka hawlgalka Yurub ee Badda Cas loona yaqaano Aspides kaaso la bilaabay bishii hore waxaane hawlgalka ugu weyn lagu martigeliyaa Markabka Talyaanigu leeyahay ee la yiraahdo CIAO DUILIO.
ISHA/AA.