MARINKA GAZA TIRADA DHIMASHADA OO..
(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO GALLANT.
(ISTANBUL)-Weerarada Isra’iil ayaa lagu dilay dad gaaraayo ilaa 28-qofood oo Falastiiniyiin ah,waxaane lagu dhaawacay 54-qofood kale 24-kii saacadood ee ina soo dhaaftay Gudaha Marinka Gaza taaso ka dhigaysa tirada guud ee dhimashada tan iyo sannadkii hore ilaa 44,786-Qofood,(18,858)-qof waa Caruur,(11,946)-qof waa Dumar halka dhaawca uu gaaray ilaa (106,188)-qofood,dagaalka Marinka Gaza ayaa maanta galay maalintiisii 431-aad. Dagaaka Marinka Gaza ka socdo ayaa waxaa lagu la’ayahay dad fara badan kuwaaso ku hoos jira burburka dhismayaasha lala dhacay Gentaaladda culus ey soo ridayaan diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil,Hayadaha Gargaarka ee Marinka Gaza waxa ey awoodi kari waayeen iney soo saaraan dadka ku maqan dhismayaasha hoostooda. Dagaalka ayaa hadda ku jira sannadkiisii labaad,waxa eyna Isra’iil ka geysatay Marinka Gaza Xasuuq ey ku muteysatay Cambaarey Caalami ah,weline Isra’iil kama joojin weerarada dhinaca cirka iyo dhulka ah ey ku hayso Marinka Gaza iyo xanibaada Gargaarka deg dega ah ee la gaarsiinaayo shacabka reer Falastiin ee u baahan in la samata bixiyo. Bishii hore ayey ahayd markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ey soo saartay amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant,labadaan masuul ayaa lagu eedeeyey dembiyo ka dhan ah Aadanaha iyo Dembiyo Dagaal,waxaane jirto arrin kale oo hadda ka socoto gudaha Isra’iil taaso ah in Reysal Wasaaraha Israiil Netanyahu loo haysto dacwad ah inuu sameeyey Musuq-Maasuq la xiriira maamulkiisa,waxaane la isku dayey in dib loo dhigo dacwadda Netanyahu balse Maxkamadda ayaa iska diiday arrinkaas.
ISHA-SB-MEDIA.