SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARINKA GAZA OO MARKII AFARAAD LAGA JARAY…

(SAWIRKA)-WEERAR DHINAC CIRKA AH OO LAGU QAADAY ISGAARSIINTA GAZA.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegayo in adeega Internet-ka iyo Telefoonada mar kale laga jaray guud ahaan Marinka Gaza ey dagaaladu aafeeyeen maanta oo Talaada ah(26/12/23)-ka,sidaa waxaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay shirkada bixisa adeegyada Internet-ka iyo Telefoonada ee Marinka lana yiraahdo PALTEL. “Waxaan ka xunahay inaan ku dhawaaqno burburka gebi ahaan soo gaaray Isgaarsiinta ka hawlgasha Marinka Gaza,waxaane burburkaan u sabab ah weerarada dhinaca cirka ee weli ku socdo Marinka Gaza”ayuu yiri shaqsi u hadlay Shirkada Paltel ee bixisa adeegyada Internet-ka iyo Telefoonada Marinka Gaza,waane markii afaraad ee la burburiyo Isgaarsiinta Marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza 7/10/23-ka.

ISHA.AFP.