MARAYKANKA OO XUUTIYIINTA U AQOONSADAY…
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO KU DUL CAYAARAYO MARKAB LAGA LEEYAHAY ISRAEL.
(WASHINGTON)-Arbacadii hore bishuna ahayd 17/1/224-ka ayuu Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden wuxuu go’aansaday inuu Xuutiyiinta u kala saaro Argagixiso caalami ah oo gaar ah(Special designted Global Terrorist”SDGT”),go’aankan ayaa dhaqan gelaayo taariikhdu markeey tahay 16/2/24-ka. Go’aankan ayaa yimid maalmo ka dib markii Maraykanka iyo Ingiriiska ey weeraro dhinaca cirka ah ey ku qaadeen goobaha ey Xuutiyiinta Yeman ku sugan yihiin taaso jawaab u ah weerarada joogtada ah ey kooxda Xuutiyiintu ku hayso Maraakiibta xiriirka la leh amaba ku sii jeeda dalka Isra’iil ee ku sugan Badda Cas. Kala soocida cusub ayaa ku soo beegantay seddex sano ka dib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken uu joojiyey go’aankii maamulka Trump uu Xuutiyiinta ugu aqoonsaday Urur Argagixiso shisheeye(Foreign Terrorist Organization”FTP”),si loo fududeeyo qulqulka gargaarka bani’adanimo ee Yeman,korna loogu qaado rajada Nabada. Hadaba sidee Maraykanku u kala jeexjeexay baahida ka hortaga iyo xakamaynta xiisadda Gobolka?.
ISHA/ARAB.