SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO XOOJIYEY…

HIMARS MISSILE SYSTEM WAA HUBKA GEYEY SURIYA.

(RAQQA)-Dawladda Maraykanka ayaa hubaysay ciidamadeed ku sugan saldhiga u dhaw ceel shidaal oo ku yaalo bariga dalka Suriya,ciidamadaan Maraykanka ayaa la siiyey gentaalka HIMARS SYSTEM sida laga soo xigtay ilo ku sugan gudaha dalka Suriya maalintii Talaadada. Gentaalka HIMARS SYSTEM ayaa waxaa loo diray ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gobolka DIIRA AL-ZUR maalmo ka hor waxaane sidaas loo sheegay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu,Gobolka Diira Al-zur ayaa waxa uu dhacaa bariga Wabiga Furaat kaaso waqtigaan gacanta ugu jiro kooxaha uu Turkiga u aqoonsan yahay iney yihiin Argagixisada ee YPG iyo PKK.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.