MARAYKANKA OO WEERARAY GOOBO KU YAALO CIRAAQ IYO SUURIYA.
(SAWIRKA)-TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA.
(IRAQ/SYRIA)-DEG DEG: Bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka(CENTCOM) maanta oo Jimca ah(2/2/24)-ka ayaa waxa uu u qornaay sidan: CENTCOM,Waqtiga(4:00)-Galabnimo ee ET. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka CENTCOM ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyey goobo ku yaalo dalalka Ciraaq iyo Suuriya,duqeynta ayaa ka dhan ah Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IGRC) ee xoogaga Qudus iyo kooxo Maleeshiyaad ah oo taabacsan. Ciidamadda Maraykanka ayaa duqeeyey in ka badan 85-bartilmaameed iyadoo diyaarada badan ey qeyb ka ahaayeen duqeynta dhacday maanta ayaa waxaa ka mid ahaay kuwa ridada dheer oo laga soo duuliyey dalka Maraykanka,Duqeynta cirka ayaa loo adeegsaday 125-Qori oo Hub ah. Xarumaha lala beegsaday duqeynta ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Taliska(IRGC)-da,Xarumaha laga hago weerarada.Xarunta Sirdoonka,Xarunta laga rido Gentaalada iyo sawaariiqda,keydka gaadiidka ee diyaradaha aan duuliyaha wedin,Xarumaha saadka ee Maleeshiyaadka Taabacsan IRGC-da kuwaaso weeraro u gaysta ciidamadda Isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka. Bayaanka laguma xusin wax khasaara ah ey geysteen duqeyntii dhacday.
ISHA/CENTCOM.