MARAYKANKA OO VETO KU HOR ISTAAGAY…
(SAWIRKA)-MW-BIDEN OO GARAYA ISRAEL.
(NEW YORK)-Sida uu sheegay afhayeenka Xafiiska Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netenyahu maanta oo Arbaca ah(18/10/23)-ka waxa uu RW-Netenyahu ogoladay in kaalmo bani’adanimo la keeni karo Gaza ayadoo la soo marsiinayo dhinac dalka Masar,dhinaca kale shir uu maanta yeeshay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay (UNSC) loogana hadlaayey arrinta Gaza,nasiib darase waxaa dhacday in dawladda Maraykanka ey Qaraarka Golaha Amniga Qaramada Middobe isku hortaagay diidamada Qayax ee (VETO). Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay iney kor u kacday tirada dhimashada ee Gaza eyna gaartay ilaa 3,478-qofood,dhaawacana waxa uu gaarayaa ilaa 13-kun oo qofood marka laga soo bilaabo 7/10/23-ka.
ISHA/ARAB.