MARAYKANKA OO RAADINAYO IBRAHIM CAQIIL.
SAWIRKA IBRAHIM CAQIIL.
(BEIRUT)-Dalka Maraykanka ayaa bixinaayo abaalmarin gaareyso todobo milyan oo doolar($7)-Milyan taaso la siin doono qofkii warkiisa keena hogaamiye sare kana tirsan ururka ey taageerto Iraan ee Xisbullah,40-sano ka dib markii bam lagu qarxiyey safaaradda Maraykanku ku leeyahay caasimadda dalka Libnaan ee Beirut sannadkii 1983-kii,codsi ey sameeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayey ku sheegtay iney bixinayso abaalmarinta barnaamijka cadaaladda,waxaane la sheegay in abaalmarinta la siinaayo qofkii soo sheega amaba keeno macluumaad horseedi karo in la aqoonsado halka uu ku sugan yahay Ibrahim Caqil si loo soo xiro iyo sideey suuragal ku tahay in lagu qaado dembiyadii uu galay,Ibrahim Caqil ayaa ah hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Xisbullah isla markaasne ah hogaamiye si aad ah u tababaran mileteri ahaan waxa uuna ka tirsanaay Golaha Islamic Jihaadka ee ururka Xisbullah. Ibrahim Caqil loona yaqaano (Tahsin) ayaa ka masuul ahaay Qaraxii lagu weeraray safaaradda Maraykanka ee Beirut sannadkii 1983-dii qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaarayo 63-qofood kuwaso 43-ka mid ah ey ahaayeen shaqaalaha safaaradda Maraykanka waxaane ku dhaawacmay 34-qofood oo kale,isla sannadkii 1983-dii bishii Oktoobar-23-keedii ayaa waxaa qarax lagu weeraray xero ey deganaayeen ciidamo isku dhaf ah oo nabada ilaalinayey waxaane Maraykanka uga dhintay 241-askeri oo Marines ah waxaane uga dhaawacmay 128-kale,sannadkii 1980-kii waxaa gudaha magaaladda Beirut lagu afduubay dad u kala dhashay Jarmalka iyo Maraykanka waxaane ku edeysan inuu ka dambeeyey Ibrahim Caqil.
ISHA WARKA MEMO.