MARAYKANKA OO QORSHEYNAYO INUU ISRA’IIL…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRA’IIL.
(WASHINGTON)-Wargayska”Wall Street Journal) ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah(6/11/23)-ka sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu qorsheynaayo inuu Isra’iil u diro Bambooyinka aan marnaba gefeyn halkii loogu talagalay(Prcision Bombs),bambooyinkaas ayaa ah kuwa ku kacaayo dhaqaale dhan $320-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,arrintaan ayaa ah mid cusub oo lagu hubeynaayo Isra’iil ayadoo si aad ah looga cabsi qabo in dagaaka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) inuu noqdo mid ku sii fida gobolka bariga dhexe,dhinaca kalane,waxaa cabsi laga qabaa in Koongareeska Maraykanka oo laga rabo inuu ansixiyo qorshahaan isna ey ka imaan karto dood adag oo sababi karta in gebi ahaanba la iska diido qorshahaan uu wato MW-Biden. Wargayska”Wall Street Journal”oo ah wargayskii ugu horeeyey ee soo bandhiga arrinkaan ayaa hadalkiisa raaciyey in MW-Biden uu ku wargeliyey Aqalka Koongareeska Maraykanka qorshahaan tarrikhdu markeey ahayd 31/10/23-ka si looga hadlo Isra’iil-ne u heli lahayd Bambooyinkaan si ey cagta u mariso Xarakada Xamaas ey is hayaan muddo bil ah.
ISHA/ARAB.