SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO KA HADLAY MAXAABIISTA REER FALASTIIN…

(SAWIR)-KA.MAXAABIIS REER FALASTIIN AH.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay iney fiirinayaan warbixinadda ku saabsan xadgudubyadda Isra’iil u gaysatay Falastiiniyiinta ku jira xabsiyadda qarsoodida ah ee ku yaalo saxaraha Negev iyagoo ku booriyey Isra’iil iney si dhammaystiran u baarto eedeymahaan. “Waan aragnay warbixinadaas,waane ka walaacsanahay”ku xigeenka afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Vedant Patel ayaa u sheegay warfidiyeenadda mar wax laga weydiiyey baaritaanka CNN-ta ee ku aadan xadgudubyadda xuquuqda aadanaha. Isagoo intaas ku daray in Maraykanka”eegaayo”kuwan iyo eedeyamaha kale ee xadgudubyada xabsiga,Patel ayaa Isra’iil ku booriyey iney ula dhaqmaan dhammaan maxaabiista reer Falastiin “si bani’adanimo leh oo waafaqsan sharciga caalamiga ah”. “Isra’iil waxaa ku waajib ah iney si qoto dheer u baarto xadgudubyadda la aamini karo ee sharciga caalamiga ah ee bani’adanimad”,sidaas waxaa carabkiisa ku adkeeyey Ptel. Warbixin la daabacay 11/5/24-kii ayaa lagu sheegay xadgudubyadda ey sameeyaan ciidamadda Isra’iil marka xabsiyadda la keeno maxaabiista reer Falastiin,si gaar ah dhibaateyna loo gaysto dhallinyaradda lagu tuhmaayo iney ka tirsan yihiin Xarakadda Xamaas.

ISHA/AA.