MARAYKANKA OO ISKU AFGARAN LA’A TAAGEERADA…
(SAWIRKA)-AQALKA KOONGAREESKA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Aqalka Koongareeska dalka Maraykanka ayaa Khamiista maanta ah(16/11/23)-ka ku dhawaaqay inuu albaabada u laabi doono muddo ku dhawaad laba todobaad ah iyadoo aan la isku raacin in Gargaar deg deg ah la gaarsiiyo Isra’iil iyo Ukrayn iyadoo la tixraacayo dooda kulul ee u dhexeyso sharci dejiyeyaasha ee siyaasadda socdaalka iyo diidmada ey kala kulmayaan tiro xildhibaano ah kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo diidan taageerada Kiev ee dagaalka Ruushka. Golaha Guurtida ayaa fadhigiisii dhici lahaay waqti dambe, dib u dhigay muddo dheer ka dib saqdii dhexe waqtiga maxaliga ah ayuu Golaha Guurtida markaas ansixiyeen sharciga kharashaadka ku meel gaarka ah si looga fogaado khatarta xiritaan qeybo ka mida dawladda Maraykanka xafiisyadeeda. Kooxaha taageersan taageeridda ciidamadda Mileteriga shisheeye waxa ey rajo ka qabaan in sharciga kharashka ku meel gaarka ah uu meel maro.
ISHA/ARAB.