SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO DUQEEYEY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-MARAYKANKA OO DUQEEYEY XUDEYDA.

(YEMAN)-Wararka ka imaanayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in fiidnimadii caawa oo khamiis ah in ciidamadda Maraykanka ey sheegeen iney fuliyeen duqeymo cusub oo ka dhacay gudaha dalka Yeman,taaso ah tii ugu horeysay ee mileteriga ka dib qaraxyo xoogan oo ka dhacay magaaladda Xudeyda shalay fiidkii. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa warbixin cusub ku sheegay in ciidamadooda 24-kii saac ee la soo dhaafay ey ku guuleysteen iney burburiyaan diyaaradah aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta oo ey taageerto dawladda Iraan,taaso ka dhacday degaanadda ey Xuutiyiinta ka maamulaan dhulka Yeman. War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray”Waxaa la go’aamiyey in duqeynta ey ka dhigan tahay khatar ku soo fool leh Maraykanka,Ciidamadda Isbahaysiga iyo Maraakiibta Ganacsiga ee Gobolka. Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xuriyadda socdaalka iyo in biyaha caalamiga ah ey noqdaan kuwa amaan ah”. Maqribnimadii shalay ilo wareedyo maxali ah oo ku sugan Gobolka Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman ayaa ku waramay in qaraxyo aad u xoogan ey gilgileen magaaladda duleedkeeda oo ah Badda Cas. Sida ey sheegayaan wararka laga helaayo Xudeyda ilaa shan weerar oo aad u culus ayaa lala beegsaday Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Xudeyda. Galabnimadii maanta oo Khamiis ah,ciidamadda Maraykanka ayaa sheegay in 24-saac ee la soo dhaafay ciidamadda dhexe ee Maraykanka iney ku guuleysteen iney burburiyaan laba gentaal oo loo diyaariyey in Xuutiyiinta ey taageerto Iraan iney ku garaacaan ciidamadda Isbahaysiga iyo kuwa Maraykanka ee ku suga Badda Cas iyagoo ka soo ridaay dhulka ey Xuutiyiinta maamulaan. Tan iyo markii ey kooxda Xuutiyiinta bilaabeen iney ugaarsadaan Maraakiibta marta Badda Cas bishii Noofembar-2023-kii waxaa abuurmay Isbahaysi uu hogaaminaayo Maraykanka eyna xubno ka yihiin Ingiriiska iyo wadamo kale oo reer Yurub kuwaaso weeraro lixaad leh ku haayo goobaha ey Xuutiyiinta kaga sugan yihiin Gudaha dalka Yeman gaar ahaan degaanadda dacalka ku haayo biyaha Badda Cas sida Baab Al-Mandab oo ku yaalo Gobolka Ticis ee dhaca Koonfur Galbeed dalka Yeman iyo Dekedda Xudeyda ee iyadana ku taalo Gobolka Xudeyda ee Galbeedka Yeman dhinacana ku haayso Badda Cas. Shacabka Yeman maanta uma baahna dagaal iyo in xoogaga waa weyn ey ku dul dagaalamaan balse waxa ey baahan yihiin in kharashka dagaalka loogu bedelo Cunto iyo daawo si dalka uga soo kabto dhibaatadii ka soo gaartay kacdoonkii soo bilawday 2011-kii.

ISHA/SB-MEDIA.