MARAYKANKA OO DUQEEYEY CAASIMADDA YEMAN.
(SAWIRKA)-GAROONKA DIYAARADAHA EE CAALAMIGA AH SANA’A.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in halkaasii laga maqlay Qarax aad u weyn gaar ahaan agagaarka Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca,dad goobjoogayaal ah kuna sugan degaanka XASABA oo ah halka uu ku yaalo garoonka Caalamiga ah ee Sanca ayaa xaqiijiyey inuu dhacay Qarax laga wada maqlay dhinaca waqooyi ee caasimadda Sanca. Sarkaal ka tirsan Pentagon-ka ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha ciidamadda Badda Maraykanka ey fuliyeen duqeymo dheeri,duqeymaha ayaa lala beegsaday Raadaarka Xuutiyiinta iyo Xarumaha difaaca cirka ee caasimadda Sanca ee ku dhaw saldhiga Cirka ee AL-DEYLAMI. Sargaalkan ayaa sheegay in weeraradii la qaaday Caawa ey jawaab u ahaayeen gantaaladda lidka Maraakiibta ee maanta lagu garaacay Markab Ganacsi oo maraayey Gacanka Cadmeed. Sarkaal Maraykan ah ayaa warabaahinta CNN u sheegay in duqeymaha cusub ee Maraykanka uu ka yar yahay kuwii habeen hore la fuliyey,waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in duqeyntii ugu dambaysay uu fuliyey Maraykanka oo kaliyah. Ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaayo in Maraykanku gabi ahaanba uu soo afjaray hadal xumidii Xuutiyiinta,isla markaane isku day kasta oo lagu weeraraayo Maraakiibta Ganacsi ee ku sugan Badda Cas ama Gacanka Cadmeed ey hadda u baahan tahay jawaab mileteri oo ka dhan Galbeedka Yeman. Saldhiga AL-DEYLAMI ee u dhaw Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca kana mid ah saldhigyada ugu muhiimsan ey leeyihiin ciidamadda Xuutiyiinta ayaa ah kan caawa la weeraray eyna soo gaartay burbur aad u weyn,wararka qaar oo laga helaayo dadka reer XASABA ee caasimadda Sanca ayaa tibaaxaayo in saldhiga AL-DEYLAMI uu ahaay saldhiga ugu khatarta badan kuna yaalo caasimadda Sanca, saldhigaan ayaa waxaa gacanta ku haayo saraakiil sar sare kana tirsan Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan.
ISHA/SBMEDIA.