MARAYKANKA OO CUNAQBATEYN SAARAY…
MADAXWEYNE BIDEN.
(USA)-Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay wareegii koobaad ee cunaqabataynta ah uu saaraayo dalka Sudan ka dib markii hogaamiyaha ciidamadda dawladda Sudan Gen.Burhani uu sheegay inuu ka laabtay hirgelinta xabad joojintii ey wada gaareen isaga iyo hogaamiyaha xoogaga deg dega ah Xumayteyt kuna wada gaareen magaaladda Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Qoraal uu soo saaray aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka maanta oo Khamiis ah(1/6/23)-ka ayaa lagu sheegay in cunaqabateynta jawaab u tahay rabshadaha ka sii socdo dalka Sudan cunaqabteynta ayaa noqon doonto”mid dhaqaale,xayiraad fiise oo la saaro kuwa hogaaminaayo dagaalka Sudan waayo waxa ey sabab u yihiin inuu sii daba dheeraado dagaalka dalka Sudan”.
ISHA WARKA MEE.