SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAYO….

(SAWIRKA)-SAFIIRADDA MARAYKANKA U JOOGTA QM LINDA THOMAS-GREENFIELD.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu cunaqabateyn saaro ku xigeenka Hogaamiyaha Xoogaga Gargaarka deg dega ah(RSF) ee dalka Sudan sabab la xiriirto ku xadgudubka Xuquuqda dadka. Maalmaha soo socdo ayaa la filaa iney ku dhawaaqdo cunaqabateynta Safiiradda dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobe Amb.Linda Thomas-Greenfield ka dib markii ey safar gaaban ku tagtay caasimadda dalka Jaad ee Injamayna maanta oo oo Arbaca ah(6/9/23)-ka. Talaabadaan ayaa looga danleeyahay in C/raxmaan Daglo oo la dhashay Hogaamiyaha Xoogaga Gargaarka deg dega ah Maxamed Xamdaan Daglo loona yaqaano”Xumaydeyti”in lagu soo rogo cunaqabateyn aan la sheegin ilaa hadda nuuca ey tahay,isla cunaqabateyntaan ayaa sameyn doonto madaxa Xoogaga Gargaarka deg dega ah ee Galbeedka Daarfuur C/raxmaan Jumca waayo C/raxmaan Jumca ayaa xabsiga waxa uu u taxaabay Gudoomiyihii Gobolka Galbeedka Daarfuur Khamiis Cabdallah Abakar taariikhdu markeey ahayd 15/6/23-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.