MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY…
(SAWIRKA)-BRADLEY T.SMITH.
(WASHINGTON)-Talaadada maanta ah,Marayanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay laba Hayadood oo ku kala sugan gudaha wadamadda Iraan iyo Ruushka,kuwaaso ku eedeysan iney isku dayeen iney farageliyaan Doorashada dalka Maraykanka ee dhacday 2024-ka,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Waaxda Maaliyadda ee dalka Maryaknka Bayaan ey soo saartay ku sheegtay in labada Hayadood oo ah Shirkado xiriir la leh iIaaladda Kacaanka ee dalka Iraan iyo Urur xiriir la leh Sirdoonka Mileteriga Ruushka kuwaaso ey ujeedadoodu ahayd iney kiciyaan xiisadda bulsho iyo mid siyaasadeed eyna saameyn ku yeeshaan cod bixiyeyaasha Maraykanka doorashaddi dhacday Noofembar-2024-ka. Wasaaradu waxa ey sheegtay in Xarunta Naqshadeynta ee soo saarta aqqonsiyada ee ilaaladda kacaanka Iraan ey qorsheyneysay iney saameyn ku yeelato hawlaha ilaa ugu yaraan sannadkii 2023-kii,sida ey daabacday Xarunta khibrada Juqaraafiga ee Moosko waxay sidoo kale daabacday macluumaad marin habaabin ah oo ku saabsan Musharixiinta u tartamayo doorashada waxa eyna tilmaantay eyna taageertay diyaarin been abuur ah. Wasaaradu waxa ey intaas raacisay in Xarunta Khibrada ey sidoo kale wax ka bedeshay muuqaaladda,”si ey ugu eedeyso Musharaxa jagada Madaxweyne ku Xigeenka sannadka-2024-ka si aan sal lahayn”. Wasaaradu ma eysan cayimin Musharaxa la beegsanaayo kan uu yahay. Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ka adkaaday Dimuqaraadiga Kamala Harris,waxaane loo doortay Madaxweynaha Maraykanka bishii Nofemabr-2024-ka,waxa uuna dib ugu laabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ka dib markii laga guuleystay doorashadii 2020-kii. Ku-Simaha Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ee Argagixisada iyo Sirdoonka Maaliyadeed Bradly Smith,ayaa bayaanka ku sheegay “Dawladaha Iraan iyo Ruushka waxa ey beegsadeen habraacyada doorashada iyo hayadahooda,waxayne doonaayeen iney dalka Maraykanka u kala qeybiyaan shacabka Maraykanka inta lagu guda jiray ololaha Doorashada Madaxtinimada Maraykanka iyagoo sameeyey Ololeyaal been abuur ah. Waxa uu intaas ku dara Bradly Smith “Maraykanku waxa uu sii ahaan doonaa mid ka feejigan cadawgiisa ka shaqeynaaya iney wiiqaan Dimuqaraadiyadeeyna?.
ISHA-AA.