SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO CODSI U DIRAY XUTIYIINTA.

MALEESHIYAD XUUTIYIINTA.

(SANCA -YAMAN)-Dalka Marayakanka ayaa maanta oo khamiis ah waxa uu kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yaman ka codsaday ineey sii daayaan shaqaalihii Yamaniyiinta ahaay ee ka shaqeynaayey safaaradda Maraykanka ee dalka Yaman kuwaaso Xuutiyiinta u xiran mudo dhan bilood waxaane xabsiga Xuutiyinta ku dhex dhintay mid ka mida shaqaalahaas. Kooxda Xuutiyiinta eey taageerto Iraan ayaa waxa eey xarun ka dhigteen dhismihii hore ee safaaradda Maraykanka ee magaaladda caasimadda ah ee Sanca bishii Oktoobar ee la soo dhaafay,waxaane Xuutiyiinta u xiran dada fara badan oo shaqaale ka ahaay safaaradda Maraykanka ee Sanca waxaane la sii daayey qaar iyaga ka mida laakinse waxaa gacanta Xuutiyiinta weli ku jiro dad gaaraayo ilaa kow iyo toban(11)- qofood.

ISHA WATRKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.