MARAYKANKA OO CIIDAMO U DIRAYO…
CAASIMADDA KHARTUUM.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa diyaarinaayo inuu u diro ciidamo dheeri ah saldhigiisa uu ku leeyahay dalka Jabuuti sabab la xiriirto soo daad guridda Mawaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Sudan uu hadda ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidamo ey kala hogaaminayaan labada Generaal,sidaas waxaa sheegay saraakiil sare oo Maraykan ah maanta oo Khamiis ah. Qorshaha ayaa ah dejinta ciidamada cusub xerada Lemmonier ee ku taalo dalka Jabuuti,ciidamadaan ayaa lagu wadaa ineey Jabuuti soo garaan maalinta Isniinta ah ka dib markii la weeraray kolonyo ey la socdeen diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee fadhigeedu yahay Khartuum ee dalka Sudan.
ISHA WARKA WAKL.