SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA IYO UK OO DUQEEYEY YEMAN.

(SAWIRKA)-DIYAARADDA B-2.

(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqday maanta oo Khamiis ah taariikhduna ey tahay 17/10/24-ka in dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska iney 15-weerar oo dhinaca cirka ah ku qaadeen magaalooyinka Sanca iyo Sacda ee dhacda Waqooyiga Yeman halka dawladda Maraykanka ey ku dhawaaqday in weerarka maanta ey qeyb ka ahayd diyaaradda B-2. Tv-ga taabacsan Xuutiyiinta Yeman ee AL-Masirah ayaa bartiisa Telegaraamka ku sheegay”Weerar gardara ah oo ey qaadeen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lala beegsaday Tv-yadda AL-Xafa iyo Jarbaan ee Waqooyiga iyo Koonfurta Caasimadda Sanca,waxaane lagu qaaday lix weerar”. Dhankiisa,Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka Lloyd Austin ayaa war uu soo saaray khaniista maanta ah ku sheegay in Ciidamadda Cirka ee dalka Maraykanka ey duqeymo sax ah ku qaadeen shan goobood oo lagu keydiyo hubka oo dhulka hoostiisa ah,goobahaan ayaa ku yiil dhulka ey maamulaan Kooxda Xuutitiinta. Xoghayah Difaaca Maraykanka ayaa intaas ku daray in duqeymaha ey ka qeyb qaateen diyaaradaha B-2 oo aad uga weyn diyaaradihii dagaalka ee markii hore loo adeegsan jiray duqeynta kooxda Xuutiyiinta,waxayna diyaaradahaan awood u leeyihiin iney qaadaan Bambooyinka aadka u culus.

ISHA-ARABPOST.

HALKAAN KA SII AKHRISO.