MARAYKANKA IYO RUUSHKA OO ISKU FARA SAARI RABA…
(SAWIRKA)-DRONES MQ-9.
(SYRIA)-Dalka Syria waxaa weli ku dhex dhuumalaysanayo haraagii kooxdii Daacish/ISIS kooxdaan argagixisada ah ayaa lagu jebiyey dagaalkii ey la galeen xulafada uu hogaaminaayey dalka Maraykanka iyo ciidamadda dalka Turkiga oo ayagana qeyb weyn ka ahaay dagaalka argagixisada ku sugan gudaha dalka Syria. Dalka Ruushka oo taageeray xukuumadda uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad ayaa isagana ey ka joogaan ciidamo aad u xoogan kana kooban qeybaha kala gedisan ee ciidamadda,hadaba diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka ayaa la soo sheegay iney Holac ku tuureen diyaarad ah nuuca aanu duuliyaha wedin ee Drones-ka(MQ-9) lagana leeyahay dalka Maraykanka ayada oo ka qeyb qaadanayso hawlgal lidi ku ah kooxda Daacish/ISIS Waqooyi-Bari dalka Syria,waxa eyna waxyeelo soo gaartay Marwaxiyada Drones-ka sidaas waxaa maanta oo Talaada ah (25/7/23)-ka sheegay Taliyaha ciidamada cirka ee dalka Maraykanka G/Sare.Alexus Grynkewick.
ISHA/ARABIC.