SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA IYO ISRA’IIL OO KA WADA HADLAY..

(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO BLINKEN.

(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Blinken ayaa u sheegay hogaamiyeyaasha Isra’iil Talaadadii shalay ahayd in dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ey dooneyso iney caadi ka dhigto xiriirka ey la leedahay Isra’iil ka dib marka uu dhammaado dagaalka Gaza,laakinse Sacuudigu ma aqbali doonaan wax heshiis ah haddii Isra’iil ey ka go’onaan weyso mada’a ah laba dal oo deris ah,sidaas waxaa wargayska AXIOS u sheegay laba sarkaal oo u kala dhashay Maraykanka iyo Isra’iil. Blinken wuxuu sidoo kale si cad ugu sheegay saraakiisha reer Isra’iil in Sacuudi Carabiya iyo wadamadda Carabta eysan ku lug yeelan doonin maalin ka dib xalka Gaza,taaso loola jeedo dib u dhiska Marinka Gaza ayadoo aan loo marin dariiqa ey reer Falstiin uga tashanayaan mustaqbalkooda. Dalka Maraykanka waxa uu isku dayayaa inuu si diblomasiyadeysan isugu xiro wadamadda Carabta kuwood aan xagjirka ahayn una badan dalalka alle siiyey dhaqaalaha sida lixda dal ee ka tirsan Khaliijka Carbeed iyo Isra’iil.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.