SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(SANA’A)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in Maraykanka iyo Ingiriiska ey ku qaadeen shan weerar oo dhinaca cirka ah kuwaaso lala beegsaday Gobolka AL-Xudeydah ee dhaca Galbeedka dalka Yeman. “Weerarada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa afar weerar oo ka mid waxaa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee AL-Xudeydah”sidaas waxaa sheegay Tv-ga AL-Masiirah ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman. Tv-ga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in weerar kale oo dhinaca cirka ah lala beegsaday Doomo Kallumeysi oo ku sugnaay Dekedda AL-Salif isla xeebaha Gobolka AL-Xudeydah,ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maraykanka iyo Ingiriiska kuna saabsan weerarka ey sheegeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Weerarada dhinaca cirka ah ey qaadayaan isbahaysiga ey hogaaminayaan Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo bilawday ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ey Markab Ganacsi ka afduubteen Badda Cas dhammaadkii sannadkii hore 2023-kii,Xuutiyiinta ayaa weli Markabkaas iyo shaqaalihii saarnaay afduub ugu haysto xeebaha dalka Yeman.

ISHA/AA.