SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY MAGAALADDA XUDEYDA EE…

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Telefishanka xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta(Ansarulahi) ee dalka Yeman ayaa ku soo waramay fiifdnimadii Jimcaha in magaaladda Xudeyda ee ku taalo Galbeedka dalka Yemaney ka dheceen duqeymo ey si wadajir ah ey gaysteen ciidamadda dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska. Tv-ga AL-Massiraha ayaa bogiisa Internet-ka ku sheegay “Weeraro Gardaro ah oo ey qaadeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu beegsaday degaanka AL-Jabanah ee magaaladda Xudeyda”. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in seddex weerar oo lagu guulaystay lala beegsaday kooxda Xuutiyiinta Yeman. Afhayeenka Golaha Amaanka Qaranka ee Aqalka Cad ee Maraykanka John Kirby ayaa xaqiijiyey in weerarku ahaay weerarkii afaraad oo is hortaag ah ey qaadaan ciidamadda Maraykanka,weerarada ayaa waxaa la qaaday maalmihii la soo dhaafay waxaane lagu kala qaaday goobo kala duwan ey ku sugan yihiin kooxda Xuutiyiinta waxaane lala beegsaday gentaalo ey ridayeen diyaaradaha dagaalka. Weerarki dhacay maanta ayaa waxaa lala eegtay goobo ey yaaliin gentaaladda lidka diyaaradaha.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.