SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERAR CULUS KU QAADAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-WEERARKII CAAWA KA DHACAY SANCA YEMAN.

(WASHINGTON)-Wasaaradda Gashaandhiga dalka Maraykanka ee Pentagon ayaa wax yar ka hor ku dhawaaqday in diyaaradaha dagaalka dalalka Maraykanka iyo Igiriiska iney qaadeen weeraro xiriir ah ey ku bartilmaameedsadeen xarumaha Xuutiyiinta ee ku kala yaalo caasimadda Sanca iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Yeman. Pentagon ayaa xaqiijisay duqeymaha cirka ah lagu duqeeyey 18-bartilmaameed ey Xuutiyiintu ku leeyihiin sideed goobood oo Sanca ah iyo dhawr magaalo oo kale,waxaane goobaha la bartilmaameedsaday ey ahaayeen Xarumaha Taliska iyo kuwa laga hago,goobaha raadaarka iyo goobaha lagu keydiyo hubka ee dhulka hoostisa ah. Wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee Washington Post ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey duqeymo xoogan ka gaysteen goobaha Xuutiyiinta ee ku kala yaalo caasimadda Sanca iyo magaalooyin kale kuwaaso ey maamulaan Xuutiyiinta kuna wada yaalo dhulka Yeman-ta Waqooyi. Dhinaca kale, Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganayso saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Maraykanka iyo Ingiriiska ey caawa duqeeymo ka fuliyeen dalka Yeman eyna ku bartilmaameedsadeen dhawr bartilmaameed oo Xuutiyiinta leeyihiin. Goboladda la weeraray caawa kuna yaalo dalka Yeman ayaa kala ah”SANCA,XUDEYDA IYO TICIS”,afar weerar oo dhinac cirka ah aya lagu qaaday Xerada lagu dayactiro qalabka ciidamadda Yeman waxa uuna ku yaalaa waqooyiga caasimadda Sanca,laba weerarne waxaa lala beegsaday Xerada ciidamadda ee NAHDEYN iyadan ku taalo koonfurta caasimadda Sanca waane halka saldhiga u ah hogaanka sare ee kooxda Xuutiyiinta Yeman,goobaha kale ee duqeynta haleeshay ayaa kala ah”JABAL CADHAAN,XERADA KHASHMI ALBAKRI,SARFI,TELEFISHANKA IYO SOOFAAN” kuwaso dhammaantooda dhaca dhinaca Waqooyi ee caasimadda Sanca,Gobolka Ticis ayaa isna la duqeeyey waxaane duqeyntu haleeshay halka loo yaqaano Xeyfaa. LA SOCO WIXII SO KORDHA.

ISHA/ALMASH-HAD.