SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO LIX JEER WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Ciidamadda cirka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska iney duqeyn ka gaysteen Gobolka Xudeyda ee Galbeed dalka Yeman maanta oo Khamiis ah taaso tirada duqeymaha ee la qaaday 24-kii saac ee la dhaafay ka dhigaysa ilaa Lix. Tv-ga ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman AL-Masirah ayaa yiri”Weeraradda gardarada ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lala beegsaday degaanka Jabaanah ee Gobolka Xudeyda”,waa duulaankii lixaad ee lagu qaado Gobolka Xudeyda hal maalin gudaheed, Warbixino kale ey soo saareen kooxda Xuutiyiinta ayey ku sheegeen in laba weerar lagu qaaday degaanka Ras Ciisa ee isagana ka tirsan Gobolka Xudeyda ee Galbeed dalka Yeman,weeraradaan ayaa waxaa lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha ee Gobilka Xudeyda kaaso ey gacanta ku hayaan kooxda Xuutiyiinta lamana yaqaano ilaa hadda khasaaruhu inta uu la eg yahay.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.