SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO DUQEEYEY XUUTI…

(SAWIRKA)-MARKABKA U AFDUUBAN XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A-YE)-Iyadoo ey Gobolka Bariga dhexe ey ka jiraan isbedelo maalmihii la soo dhaafay haddii ey nqon lahayd dalka Suriya ama dalka Lubnaan ayaa magaala Xeebeedka Xudeyda ee dalka Yeman waxaa lala beegsaday weeraro dhinaca cirka ah oo cusub. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Axad ah sheegay in Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey duqeymo la beegsadeen degmada AL-Tuxeyta ee Gobolka Xudeyda ee dhinaca ku haayo Badda Cas Galbeedka dalka Yeman,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta gudaha ee dalka Yeman. Duqeynta Maraykanka iyo ingiriiska ayaa timid ka dib markii kooxda Xuutiyiinta Yeman ey Talaadadii hore ku dhawaaqeen iney fuliyeen hawlgal Mileteri kaaso ey ku tilmaameen hawlgal Taya leh oo lagu beegsaday seddex Markab oo sahay Maraykan ah ka dib markii ey ka soo dhaqaaqeen dekadda dalka Jabuuti,sida uu sheegay afhayeenka kooxda Xuutiyiinta Yeman. Bishii hore ee Nofeembar Maraakiibta dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale duqeymo ka fuliyey fariisimaha kooxda Xuutiyiinta ee Gobolka Xudeyda. Weeraradaan ayaa yimid ka dib markii kooxaha Xizbullahi ee dalka Lubnaan oo xulafa la ah kooxda Xuutiyiinta Yeman laguna magacaabo”Axis of Resistance”oo ey taageerto dawladda Iraan ayaa la kulmeen khasaarooyin xoogan seddexdii bilood ee la soo dhaafay,waxaane dhammaaday ogolaanshaha heshiiska xabad joojinta ey la galeen Isra’iil. Waxaa sidoo kale timid burburkii dawladdii Bashaa AL-Asad oo ahayd garabka ugu weyn ee bariga dhexe ey taageero dawladda Iraan,dawladdii Bashaar ayaa dhacday 8-dii bishaan Diseembar. Waxaa xusid mudan marka laga soo bilaabo bishii Noofembar ee sannadkii hore 2023-kii oo ah bil ka dib markii uu qarxay dagaalka Isra’iil ee Mrinka Gaza ayey kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman bilaabeen tobanaan weerar oo ka dhan ah Maraakiibta caalamiga ah ee marta Badda Cas. Waxayna kooxda Xuutiyiinta weeraro la beegsadeen in ka badan 150-Markab Ganacsi kuwaaso ey la beegsadeen Gentaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen hal Markab laba kalane waa dejiyeen. Tani waxa ey ku kaliftay Milkiilayaasha Maraakiibta iney safarkooda ka leexiyaan Badda Cas iyo Kanaalka Suweys,waxa eyna ku qasabtay iney maraan jid aad u dheer oo ah cirifka Koonfureed ee Qaaradda Afrika. Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa weeraro dhinaca cirka ah waxa ey ku qaadeen fariisimadda kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman gaar ahaan fariismada ey ku leeyihiin degaanadda u dhaw Badda Cas.

ISHA-AA.