MARAYKANKA IYO CIRAAQ OO CAMBAAREEYEY…
(SAWIRKA)-BURBURKII KA DHASHAY WEERARKII IRAAN KU QAADAY ERBIL EE DALKA CIRAAQ.
(ERBIL-IRAQ)-Saraakiisha Ciraaq,Kurdiyiinta iyo Maraykanka ayaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 16/1/24-ka cambaareeyey weeraradii gentaalada ahaa ey dawaladda Iraan ku qaaday goobo badan oo ku yaalo magaalada Erbil ee caasimadda ismaamulka Kurdistan ee waqooyiga dalka Ciraaq. Dalka Iraan ayaa Isniintii shalay ahayd sheegay iney fuliyey weeraro ka dhan ah waxa ey ku tilmaamay “Xarunta Basaasiinta Isra’iil iyo ururinta kooxaha Argagixisada lidka ku ah dalka Iraan”wax yar ka dib markii ey dawladda Iraan ey gentaalo ku garaacday meel u dhaw Qunsuliyadda dalka Maraykanka ee Erbil. Dawladda Ciraaq ayaa maanta oo Talaada ah cambaareysay gardarada Iraan ku hayso magaaladda Erbil. Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed AL-Sudani ayaa sameeyey Gudi ka kooban saraakiil sare oo dhanka amaanka ah si ey u baaraan khasaaraha uu gaystay weerarka Iraan. RW-AL-Sudani waxaa kaloo Erbil uu u diray La taliyaha Amniga Qaranka dalka Ciraaq Qaasim AL-Araji si uu u soo qiimeeyo saameynta ka dhalatay duqeynta ey Iraan ka gaysatay magaaladda Erbil ee waqooyiga dalka Ciraaq.
ISHA/ARAB.