SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAGAALADDA CADAN OO LAGU SOO ROGAY XAALAD DEG DEG AH.

Marka laga hadlaayo xaaladda dalka Yaman waxaa isla markiiba maskaxdayna ku soo dhacaayo in dalkaasi ahaay laba dal oo midoobay(Waqooyi iyo Koonfur) waxa eeyna midoobeen laba iyo labaatankii Meey sannadkii 1990-kii waxa eeyna qaateen magaca ah Jamhuuriyadda Yaman. Dagaalkii ka qarxay dalkaas sannadkii 2013-kii ayaa waxa ka dhalatay inuu dalka kala xirmo una kala go’o koonfur iyo waqooyi waxaane arrintaas gadaal ka riixaayey dalka Imaraatka Carabta oo saldhig ka dhigtay Koonfurta Yaman markii dagaalka ey soo galeen xulafadda uu hogaaminaayey sacuudiga.Imaaraatka Carabta ayaa waxa uu Koonfurta Yaman ka sameeystay saldhigyo ciidan waxa uuna bilaabay inuu tababar siiyo ciidamo reer koonfureed ah kuwaso saldhigyo ka dhigtay magaalooyinka waaweyn.Dhawr maalin ka hor ayaa magaaladda Cadan oo hadda ah Caasimadda ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Yaman ayaa waxaa ka dhacay mudaaharaadyo wato rabshado waxaane dhacday in hogaamiyaha gooni u goosatadda reer koonfureedka Cayduruus Al-zubaydi inuu TV-ga ka sheegay in magaaladda Cadan lagu soo rogay xaalad deg deg ah,sababta keentay mudaaharaadka ayaa lgu sheegay ineey tahay nolosha oo ku adkaatay dadka reer Cadan. XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.