SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAGAALADDA CADAN OO DADKA LA ISKA AFDUUBTO.

(SAWIRKA)-BARE AL-SUBXI.

(YEMAN)- Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Sira’a ayaa soo saartay go’aan ey ku sii deyneyso Bare Muxamed Xasan AL-Quba’a AL-Subeyxi,shan sano ka dib markii ey afduubeen oo ey xoog ku wateen ciidamadda Golaha ku meel gaarka ah ee ka dhisan Koonfurta dalka Yeman. Ila wareedyo ka tirsan Hayaddaha u doodo Xuquuqul Insaanka ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in Bare AL-Subeyxi lagu soo Oogay dacwad fadhigii ey Maxkamadda yeelatay shalay oo Isniin ahayd iyadoo Maxkamadu xustay in Bare AL-Subeyxi la sii deyn doono maalmaha soo socdo ka dib markii uu soo dhammaystirto nidaamka sharciga ah ee loo baahan yahay. Wararka ayaa intaas ku deraayo in Bare AL-Subeyxi uu muddo sannado ah la qarinaayey iyadoo galkiisa loo gudbiyey Maxkamadda ka dib markii ey soo dhexgaleen shaqsiyaad dhexdhexaadin ka dhex weday Golaha ku meel gaarka ah iyo eheladda Bare AL-Subeyxi,waxa uuna xukunku yimid shan sano ka dib markii lagu soo eedeeyey falal Xaasidnimo ah. Dabayaaqadii sannadkii 2019-kii Bare AL-Subeyxi ayaa laga afduubay gurigiisa oo ku yaalo magaaladda Sabri’i ee Gobolka Laxji ee dalka Yeman halkaaso loo gudbiyey xabsi Qarsoodi ah oo ku yaalo magaaladda Cadan si qasab ahne loogu haayey meel aan la aqoon ilaa maanta. Ciidamadda Golaha ku meel gaarka ah ee uu taageero dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sii wado iney si qasab ah u qafaashaan tobanaan mawaadiniin ah muddo sanada ah eyna ka mid yihiin dad ka tirsan bulshada,Ciidanka,Aqoonyahano macallimiin iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda dadka,inkasta oo ey soo noqnoqdeen dalabyadda Xuquuqul Insaanka si loo xaqiijiyo Masiirkooda halka uu ku dambeeyey.

ISHA/MO.