SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO..

SOO DHAWEYNTII MADAXWEYNE XASAN SHEEKH EE ASMARA.

(ASMARA)-Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Meey-15-2022-ka waxa uu bilaabay inuu booqasho ku kala bixiyo dalal fara badan oo dalka Soomaaliya la lehxiriir siyaasadeed,mid dhaqaale iyo mid ciidamaba,Madaxweynaha ayaa booqashadiisii ugu horeeysay waxa uu ku tegay dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna halkaas kula soo kulmay Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Sayid waxa eeyna ka wada hadleen xiriirka labada dal ka dhexeey iyo sidii loo sii xoojin lahaay,dalka Imaaraatka Carabta ayaa ah dalka laga keeno badeecadda ugu badan soona gasha gudaha dalka Soomaaliya. Booqsashadii labaad ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku tegay dalka Turkiga waxaane Madaxweynaha halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalkaasi Turkiga Erdogan,inta uu joogay dalkaasi Turkiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu soo booqday xerada lagu tababaro ciidamadda Soomaaliya kuna taalo dalkaasi Turkiga,waxa uuna Madaxweynuhu ka qeybgal xaflad looga hadlayey arrimaha Soomaaliya su’alano lagu weydiiyey. Maanta oo Sabti kuna beegan maalintii koobaad ee Ciida Carafo Salaadii ciida ka dib ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu booqasho gaaban ku aaday dalkaasi Eritereeya ujeedada booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah inuu ugu kuurgalo xaaladda ciidamo la sheegay in halkaas tababar loo geeyey laba sano ka hor kuwaaso warar kala duwan eey ka soo bexeen xaaladooda,waxaane Madaxweynaha garoonka Asmara ku so dhaweeyey Madaxweynaha dalkaasi Eritereeya Afawerqe,mana la sheegin inta eey qaadan doonto booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh.

ISHA WARKA CAASIMADDA.

HALKAAN KA SII AKHRI.