SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNAHA IMAARATKA OO TEGI DOONO…

(SAWIRKA ) MW-MAXAMED BIN ZAYED.

(DUBAI)-Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa booqan doono dalka Turkiga maalinta Sabtida ah(10/6/23)-ka si uu u daawado cayaarta kama dambaysta ah ee horyaalka kubadda cagta ee Qaaradda Yurub,sidaas waxaa Wargayska Middle East Eye u sheegay seddex ilo wareed. Cayaarta kama dambaysta ah ee horyaalka kubadda cagta ee Qaaradda Yurub ayaa waxaa isaga horimaan doono kooxaha Inter Milan ee dalka Talyaaniga iyo kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska,kulanka ayaa waxa uu ka dhici doonaa garoonka caalmaiga ah ee ‘ATATURK OLYMPIC STADIM” fiidnimada Sabtida ee soo socoto. Dad ka hadlo arrimaha siyaasadda kuna sugan Ankara ayaa laga soo xigtay iney dheheen Hogaamiyaha dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed ma uusan ka qeybgelin xafladii caleema saarka ee dib u doorashada MW-ne Recep Tayyip Erdogan todobaadkii tegay,waxaane laga yaabaa inuu rabo Maxamed Bin Zayed inuu si shaqsi ah ugu hambalyeyo MW-ne Erdogan oo dib loo doortay 28/5/23-ka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKRISO.