SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNAHA IMAARAATKA OO MAGACAABAY…

MW-SHEEKH MAXAMED BIN ZAYID AL-NEHYAN

(ISTANBUL)-Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) Sheekh Maxamed Bin Zayid Al-Nehyan ayaa soo saaray dikireetooyin kala duwan maalintii shalay oo Abacada ahayd(29/3/23)-ka,dikireetooyinkaas ayaa waxaa lagu magacaabay Madaxweyne ku xigeeenka labaad ee uu yeelanaayo dalka Imaaraatka Carabta iyo laba ku xigeen uu yeelanaayo ninka xukuma Imaarada Abu Dabai. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Imaaraat Carabta Midoobay ee WAM Madaxweyne Sheekh Maxamed Bin Zayid Al-Nehyan waxa uu soo saaray laba dikireeto ey ansixiyeen golaha sare ee Federaalka dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) waxaane labadaas dikireeto lagu kala magacaabay Sheekh Mansuur Bin Zayid Al-Nehyan oo noqonaayo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) waxaa kaloo uu Sheekh Mansuur noqon doonaa Reysal Wasaare ku xigeenka dalka Imaaraatka isla markaasne ah Madaxweynaha Maxakamada.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.