SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXII BAARAYAASHA DAGAALKA YAMAN OO…

(YAMAN):Dhawr bilood ka hor waxa aan bogaan idiinku kugu soo gudbiyey in is-hortaag lagu sameeyey waqti u kordhinta gudiga baarayo dagaalka dalka Yaman kaaso looga shaki qabo inuu lugaha la galo dembiyo,hadaba maxaa hadda soo kordhay kuna saabsn arrintaan?

Telefoonka gacanta ee uu iska leeyahay madaxa baarayaasha qaramada middobay u qaabilsan dalka Yaman Kamaal Janduubi ayaa la afduubay waxaane lagala baxay macluumaad muhiim ah waxaane afduubkaas gaysatay shirkad laga leeyahay dalka Israa’iil lana yiraahdo(NSO GROUP),sababta eey shirkadda u sameeysay arrintaan ayaa la rumaysan yahay ineey tahay ineey heshiis la gashay dalalka qeybta ka ah dagaalka gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraatka waayo ayaga ayaa hormuud u ahaay is hortaagii la isku dayey ee ahaay inaan waqtiga loo kordhin baarayaashaan si eey u soo dhammaystiraan warbixintooda dagaalka Yaman.Wadamadda reer Galbeedka ee u ololeynaayey in baaritaan lagu sameeyo dagaalka dalka yaman ayaa aaminsan in la galay dembiyo dagaaal eeyna tahay in la ciqaabo kuwii galay.Kamaal Janduubi oo ah nin u dhashay dalka Tuniisiya ahne madaxa baarayaasha qaramada midoobay ee dagaalka dalka Yaman ayaa ah shaqsiga la weeraray telefoonkiisa waxa uuna weerarka dhacay sannadkii 2019-kii sida eey sheegtay hayadda xuquuqul insaanka ee Amnesty International waxaane in la weeraray telefoonka Kamaal cadeeyey sheybaar ku yaalo Jaamicadda Toronto ee dalka Kanada.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.