SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXDA SIRDOONADA MASAR IYO ISRA’IIL OO QAHIRA…

(SAWIRKA)-DEEQ LOO WADO MARINKA GAZA KUNA SUGAN ISGOYSKA RAFAX.

(QAHIRA)-Madaxa Sirdoonka Gudaha(SHABAK) ee Isra’iil Ronen Bar iyo dhigiisa dalka Masar Cabaas Kaamil ayaa shalay oo Talaada ahayd(14'/11/23)-ka waxa ey ku kulmeen caasimadda dalka Masar ee Qahira,waane booqashadii labaad uu Ronen Bar uu ku tago magaaladda Qahira maalmo yar gudahood,safar Ronen ayaa salka ku hayo arrimo la xiriiro sii deynta maxaabiis reer Isra’iil ah iyo sidii Xarakada Xamaas iyo Isra’iil isu dhaafsan lahaayeen Maxaabiista ey kala haystaan ayadoo dalka Masar uu door ka qaadanaayo hawshaan maxaabiista. Ciidamadda difaaca Isra’iil oo baadi goob ugu jiro dadka ey Xarakada Xamaas ka qafaashatay gudaha Isr’iil 7/10/23-ka ayey ciidamadda Isra’iil waxa ey maanta gudaha u galeen Isbitaalka AL-shifa’a ee magaaladda Gaza,ciidamadda ayaa halkaasi waxa ey tuhmaayeen iney ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Xarakada Xamaas iyo in gudaha Isbitaalka lagu haayo maxaabiis reer Isra’iil ah,waxaane Isra’iil looga digay iney xoog ku soo furarto dadkeeda ku jira gacanta Xarakada Xamaas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.