SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAX CIA-DA MARAYKANKA OO GAARAY TEL AVIV.

(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO WILLIAM BURNS.

(TEL AVIV)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA-da William Burns ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho aan horay loo sii shaacin ku tegay dalka Isra’iil si uu wada hadal ula yeesho Madaxda ugu sareeyso dalka Isra’iil,sida ey sheegtay warbaahinta gudaha ee Isra’iil. William Burns ayaa la kulmay Reysal Wasaare Netanyahu iyo Madaxa Sirdoonka Isra’iil ee Mossad David Barnea ka dib imaantinkiisa dalka Isra’iil,sidaas waxa sheegay Channel-ka 12-aad ee dalka Isra’iil. Sababta booqashada Burns ee Isra’iil ayaa ah mid aan weli cadeeyn balse Wargayska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay iney la xiriirto diidmada Reysal Wasaare Netanyahu ee ah inuu wafdi amni u diro dalka Masar si ey halkaasi uga sii wadaan wada hadalada heshiiska isdhaafsiga ey la leeyihiin Xamaas,mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xafiilska RW-Netanyahu. Todobaadkii hore Xamaas ayaa soo jeedisay qorsho seddex marxaladood ah kuna saabsan in Marinka Gaza laga gaaro xabad joojin ey mudadeedu dhan tahay ilaa 135-maalmood lona sii daayo Maxaabiista ey hayso Xamaas,sidaas waxaa laga soo xigtay ilo reer Falastiin ah. Reysal Wasaare Netanyahu waxa uu diiday dalabka Xamaas waxa uuna wacad ku maray inuu sii wadi doono dagaalka Marinka Gaza ilaa uu guul ka gaaraayo kooxda reer Falastiin ee Xamaas. Isra’iil ayaa aaminsan in 134-Isra’iiliyiin ah lagu haysto Marinka Gaza ka dib markii ey ciidamadda difaac Isra’iil ey ku guuysteen iney soo furtaan laba qofood oo Xamaas afduub ugu haysatay magaaladda Rafax ee koonfurta Marinka Gaza. Isra’iil ayaa tan iyo 7-dii Oktoobar weeraraysay Marinka Gaza waxa eyna ku dishay ugu yaraan dad gaaraayo ilaa 28,663-qofood waxayna sabbatay burbur balaaran iyo gabaabsi waxyaabihii dadku u baahnaayeen,waxaane la rumaysan yahay ku dhawaad ilaa 1200-qofood oo reer Isra’iil ah in lagu dilay weerarkii Xamaas ey ku qaaday isra’iil. Dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza ayaa 85% dadka ku nool dhulkaas ku riixay iney u barakacaan gudaha Marinka Gaza ey ka jirto Cunto yari,Biyo aan Nadiif ahayn iyo dawo la’aan, halka 60% kaabayashii degaanka ey waxyeelo soo gaartay amaba ey burbureen sida ey sheegtay Qaramada Midoobe. Isra’iil waxay u taagan tahay iney gaysatay Xasuuq Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaladda taaso Go’aan ku meel gaar ah uu soo baxay bishii Janaayo ku amartay Isra’iil iney joojiso falalka xasuuqa ah iyo iney qaado talaabooyin lagu damaanad qaadaayo in gargaarka bani’adanimo la siiyo dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Gaza.

ISHA/AA.