SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MA GUULAYSAN DOONAAN XULAFADA BADDA CAS?

(SAWIRKA)-SHIRKADA MARAAKIIBTA MAERSK.

(GERMANY)-Shirkada Maraakiibta ee MAERSK ayaa sheegtay iney isu diyaarineyso iney u ogolaato Maraakiibta in Maraakiibtu bilaabaan iney soo maraan biyaha Badda cas taaso ey shirkadu uga mahad celineyso hawlgalka caalamiga ee uu hogaaminaayo Maraykanka si Maraakiibta looga ilaaliyo weerarada uga imaanaayo dhinaca kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Weerarada Xuutiyiinta ayaa sababay in hakad ku yimaado Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas waxayna taasi saameyn xoogan ku yeelatay isaga gudbida Biyaha Badda Cas iyo Kanaalka Suweys ee dalka Masar,marinkaan ayaa ah mid halbowle u ah Ganacsiga Saliida,Gaaska Dabiiciga ah,Raashinka iyo dhammaan badeecadaha u kala goosha Qaaradaha Yurub iyo Asiya. Shirkada MAERSK bayaan ey soo saartay maalintii shalay oo Axad ahayd ayey ku sheegtay iney heshay xaqiijinta in hawlhgalka ilalinta barwaaqada caalamiga ah ee hore loogu dhawaaqay(OPG) hadana la dejiyey oo la geeyey si loogu ogolaado Ganacsiga badda inuu soo maro Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,si uu u hawlgalo marinka Kanaalka Suweys ee reer Masar ee isku xira Yurub iyo Asiya.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.