LUBNAAN OO YEELATAY REYSAL WASAARE CUSUB.
(SAWIRKA)-RW-NAWAF SALAAM.
(BEIRUT)-71-Jirkaan,oo ilaa hadda ah Gudoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee Hague ayaa ka soo jeedo Qoys Siyaasadeed oo caan ah oo reer Beyruut ah. Horay ayaa loo soo bandhigay inuu Gole Wasiiro u soo dhiso dalka sida qotada leh u kala qeybsan ee ku yaalo Miditeraaniyaanka laakinse Ururka Xizbullahi ey taageerto Iraan ayaa si is daba jooga uga soo horjeestay,iyadoo kooxaha ka soo horjeeda ey rejeynayaan in Nawaf Salam inuu dib u habeyn ku sameeyo Hayadaha Dawliga ah ee baaba’asan una baahan gacan ku hayn. Ururka Xizbullahi ayaa tan iyo markii si xun loogu wiiqay dagaalkii ey la galeen Isra’iil eyna lumiyeen saaxibo muhiim ah oo gobolka ah sida Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad ayey suurtagal u noqotay in Madaxweynaha cusub ee dalka Lubnaan Joesph Cawn inuu Isniinta maanta uu u xil saaro Nawaf Salam inuu soo dhiso Xukuumadda Cusub uu yeesho dalka Lubnaan. Ururka Xizbullahi iyo xulafadiisa ayaa mar kale kasoo horjeestay magacaabista Salaam laakinse markii ugu horeysay Xisbiyo kale oo Siyaasadeed oo hore ula midoobay dhaqdhaqaaqa Shiicada ayaa taageeray magacaabidda Salaam.
ISHA-FP