SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LIX MASRIYIIN AH OO LA SOO DAAYEY.

XUDUUDKA MASAR IYO LIIBIYA.

(LIBIYA)- Maalmo ka hor dalka Liibiya waxaa dhacay afduub loo gaystay dad reer Masar ah oo gaaraayo lix qofood,dadkaan ayaa u xoogsi tegay dalka Liibiya, gudaha dalka Liibiya ayaa waxaa ka jiro koox la magac baxday(55) waxa eyna afduubaan dadka ajaanibta ah ka dibne waxa eyna ula baxsadaan dhulka baadiyaha,dadkaan gaysto afduubyada ayaa dhaqaale ka dalbada xukuumadaha ey u dhasheen dadka ey afduubaan. Afhayeenka Wasaaradda Arrimha Dibadda dalka Masar Danjire Axmed Abu Zayd ayaa sheegay in la soo daayey Lixdii qofood ee lagu afduubay dalka liibiya,Danjire Axmed ayaa bartisa Twitter-ka ku sheegay in safaaradda Masar ee Liibiya u xaqiijisay sii daynta Lixdaan qofood ee Masriyiinta ah.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.