LIIBIYA OO BAACSI KU BILAWDAY TAHRIIBAYAASHA AFRIKAANKA AH.
(QAAHIRA-AP): Ciidamadda amaanka ee dalka Liibiya ayaa maanta oo Jimca ah soo xiray dad gaarayo 500-qofood oo wada ah muhaajiriin Afrikaan ah waxaane dadkaas la soo xiray ka mida dumar iyo caruur sida eey sheegeen laba sarkaal una shaqeeyo hayado samafal iyo kooxda qaxootiga maamusha.Xukuumadda Liibiya ayaa ugaarsiga dadka Afrikaanka ah ku sifeeysay inuu yahay mid qeyb ka ah hawlgalo lagu soo qabqabanaayo muhaajiriinta aan sharciga ku joogin dalka Liibiya,masuuliyiinta Liibiya ayaan sheegin ineey soo qabteen kuwa ka shaqeeysto tahriibka iyo kuwa kontorobaanka sameeyo.XIGASHO AP.