SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LIBNAAN OO DACWAD KA GUDBISAY ISRAEL.

(SAWIRKA)-MEYDKII WARIYE CISAAM CABDALLAH.

(UN)-Ergada Qaramada Midoobe u fadhida dalka Libnaan ayaa dacawad lidi ku ah Isra’iil waxa ey u gudbiyeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC),dacwadaan ayaa timid ka dib markii ey ciidamadda cirka ee Isra’iil ey si ula kaca ah gantaal ugu dhufteen saxafiyiin reer Libnaan ah oo war ka soo tebinaayey dagaalka u dhexeeyo Ururka Xizbulaaho iyo Isra’iil ee ka socdo xuduud u dhexeeyso dalka Libnaan iyo Isra’iil. Ciidamada Isra’iil ayaa bartilmaameedsaday koox saxafiyiin ah una dhashay Libnaan waxaane weerarkasi ku dhintay wariye u shaqeynaayey Wakaaladda Wararka ee Reuters lana yiraahdo Cisaam Cabdallah oo 37-jir ah waxaane ku dhaawacmay saxafiyiin kale una kala shaqeynaayey France Press iyo Al-Jzeera.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.