LIBNAAN CADALAAD MAKA JIRTAA?
(SAWIRKA)-WIILKA QADAAFI EE CUNTADA KA SOOMAY.
(BEIRUT)-Wararka ka imaanayo caaasimadda dalka Libnaan ee Beirut ayaa sheegaayo iney sii xumaanayso xaaladda caafimaad ee wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Libiya Mucamar Al-qadaafi lana yiraahdo Hanabaal Mucamar Al-Qadaafi,wiilkaan ayaa ka soomay cunida cuntada muddo dhan afar todbaad(Bil),sababta keentay inuu ka soomo cuntada ayaa lagu sheegay ineey tahay xariga ey xirtay xukuumadda Libnaan muddo dhan sideed sano ah(2015-2023)-ka welina aan la soo hortaagin wax maxkamada. Wiilka Qadaafi ayaa loo haystaa dacwad la xiriirta Sheekh Shiica ah oo lagu waayey dalka Libiya muddo hadda laga joogo 45-sano kuna beegan 1978-dii,Sheekha la waayey ayaa magaciisa la oran jiray AL-SAYID MUUSE ALSADRI.
ISHA WARKA ALAWSAT.