SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

(LIBIYA)-WASIIR JUMCA OO DIL KA BADBAADAY.

(WASIIR JUMCA.

(LIBIYA)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Midnimada Qaran, Adel Jumca, ayaa Arbacada maanta ah ka badbaaday isku day dil, ka dib markii gaarigiisa ey rasaas haleeshay xilli uu maraayey wadada Waaxda labaad ee Tripoli. Ilo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa ku waramaya in gaariga Wasiirka ay haleeshay 14 xabadood oo labo ka mid ah ey kaga dhacday lugaha. Waxaa loo qaaday Isbitaalka Abuu Saalim, halkaasoo la dhigay qeybta daryeelka deg-dega ah si loogu daweeyo. Xaaladiisa caafimaad ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid degan. Dowladda Midnimada Qaran ayaa cambaareysay isku dayga dil, iyadoo xaqiijisay in caafimaadka Jumca uu yahay mid deggan. Dowlada ayaa sidoo kale xaqiijisay in laamaha amaanka ay bilaabeen baaritaano xoogan oo lagu ogaanayo qaabkii uu u dhacay weerarka, laguna raad joogo kooxihii ka dambeeyay si sharciga loo horkeeno. Xukuumadda Midnimada Qaran ayaa ku nuux-nuuxsatay in eysan u dulqaadan doonin isku-day kasta oo lagu carqaladeynayo Amniga iyo Xasiloonida dalka, iyadoo caddeysay inay ka go’an tahay adkeynta Amniga iyo Ilaalinta sharciga.

ISHA-LO