LIBIYA OO XIRTAY 50-QOFOOD OO SHIINEYS AH.
(SAWIRKA)-GOOBTA EY KU SHAQEYNAYEEN SHIINEYSKA LA XIRAY.
(TRIPOLI)-Xukuumadda Libiya ayaa xabsiga u taxaabtay 50-qofood oo u dhalatay dalka Shiinaha,dadkaan ayaa lagu edeeyey iney ku lug leeyihiin iney si farsameysan lacag u dheceen gudaha magaaladda Zliten,sidaas waxaa maanta oo Jimca ah(23/6/23)-ka sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Libiya. Dadkaan u dhashay dalka Shiinaha ee la xiray ayaa la soo qabtay ayagoo ka shaqeynaayo qaab digital ah gudaha Warshad laga guuray kuna taal xeebta galbeed ee dalka Libiya,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xeer ilaalinta.
ISHA ARKA MEE.