SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LIBIYA OO U JIHAYSATAY DOORASHO.

MADAX GOLAHA SARE EE DALKA LIBIYA.

(TRIPLOI)-Dalka Libiya waxaa in muda ahba ka taagneed dhibaato salka ku hayso wax ka bedelka Dastuurka dalkaasi leeyahay,arrintaan ayaa in muddo ah soo socotay balse maanta oo Khamiis ah ayuu baarlamaanka dalka Libiya u codeeyey in wax laga bedelo Dastuurka dalkaasi waxaane rajo laga qabaa in dalka Libiya dabayaaqada sannadkaan-2023-ka ineey ka dhacdo Doorasho loo wada dhan yahay kana wada qeybgalaan dhammaan qeybaha siyaasadda dalkaasi oo la kala safan dawlado shisheeye. Dalka Libiya ayey aad u liidataa nabadiisa waxaane marar badan ka dhacay rabshado uu dhiig ku daatay,rabshadihii ugu dambeeyey ayaa ka dhacay magaaladda Caasimadda ah ee Tripoli waxaane isku fara saaray xoogag taageersan Mucaaradka fadhigiisu yahay Bariga dalka Libiya iyo dawladda Caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay Caasimadda Tripoli waxaane dagaalkaas ku naf waayey dad fara badan oo shacab ah waxaane ku dhaawacmay kuwa kale.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.