LIBIYA MA DEGI DOONTAA MUSTAQBALKA?
(SAWIRKA)-GEN.KHALIFA XAFTAR.
(MOSCOW)-Dalka Libiya waxaa weli ka taagan ka soo kabashadii dhibaatadii ka soo gaartay daadadkii iyo dabayshii wada socday ee ku dhufatay bishaan horaanteedii,dad fara badan ayaa ku geeriyooday kuwa kalane waa ey ku gurya beeleen biya xireenkii ku dumay degmada Derna ee dalka Libiya. Dhinaca kale,xukuumadda Libiya ayaa ah midaan ka wada hawlgelin dalka oo dhan oo dalka qeybo ka mid ah waxaa haysto Gen.Xaftar oo gacan saar buuxa la leh dalka Ruushka,Gen.Xaftar oo hadda ku sugan magaaladda Moscow ayaa maanta la shiray Madaxweyne Putin waxa uuna kala hadlay xaaladda dalka Libiya ee waqtigaan iyo sida laga yeelaayo doorashooyinka dalka Libiya.
ISHA/ARAB.